435 Views

Dawladda Pakistan oo mamnuucday in si toosa loo tebiyo khudbadaha Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan

Dawladda Pakistan oo  mamnuucday in si toosa loo tebiyo khudbadaha Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 22, 2022

Dawladda Pakistan ayaa mamnuucday in si toosa loo tebiyo khudbadaha Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan, iyaga oo u soo jeediyey eedo la xidhiidha in hadaladiisu ay abuurayaan, nacayb bulshada dhexdeeda ah iyo kicin dadweyne oo ka dhan ah xukuumadda dalkaas ka arrimisa, hase ahaatee tallaabadaas si weyn ayaa loo dhaleeceeyey, waxaana laguna tilmaamay inay tahay “siyaasad ku dhisan cadaadis”.

Imran Khan oo 70 jir ah, ayaa si joogto ah khudbado ugu jeediya kumanaan qof oo isugu soo baxa barxadaha waaweyn ee dalkaas, kuwaas oo ka soo horjeeda xisbiga ka arrimiya dalka Pakistan ee PTI, ka dib markii baarlamaanka dalkaasi uu xilka ka tuuray Imran Khan bishii April ee sannadkan.

Ka dib markii uu Imran Khan dadweyne tiro badan la hadlay maalinimadii Sabtida, ayaa xukuumadda dalka Pakistan, gaar ahaan hay’adda maamusha warbaahinta dhinaca internetka ee PEMRA, waxay amar ku bixisay inaan telefishanada dalkaasi aanay baahin karin khudbadaha tooska ah, wixii maanta ka dambeeya, hase ahaatee waxaa la ogolaaday in la sii daayo khudbadihii uu hore u jeediyey ee la duubay.

Hay’adda maamusha warbaahinta ee PERMA ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in hoggaamiyaha mucaaradku inuu sare u qaaday eedaymo aan sal iyo raad toonna lahayd oo uu ku faafinayo bulshada, taas oo keenaysa nacayb iyo kicin dadweyne oo ka dhan ah dawladda iyo saraakiisha xukuumadda.

Hadalkan ayaa jawaab u ahaa go’aankii Imran Khan ee Sabtidii ee ahaa inuu dacwad ku soo oogi doono saraakiisha sarsare ee booliiska iyo garsoore dumar ah oo lagu eedeeyay doorkii ay ku lahaayeen jidhdilkii loo geystay mid ka mida gacanyarayaashiisii oo la xidhay, hase ahaatee eeddaas waxaa beeniyey wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post