921 Views

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maanta dhaceysa

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maanta dhaceysa
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 27, 2022

Maanta waxaa magaalada Muqdisho lagu wadaa in lagu doorto guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, xili loo asteeyay 27-bishaan oo maanta ku beegan in la qabto.

Guddiga guddoonka doorashada Golaha Shacabka ayaa sheegay in doorashada guddoonka ee golaha lagu qabanayo maanta teendhada Afisyooni taas oo ku dhextaal xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Musharixiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa ku tartamaya maanta doorashada Guddoomiyaha, Ku-xigeenada Koowaad & Labaad.

Lama oga in doorashadaan ay qabsoomi doonto iyo in kale, maadama uu is qabqabsi uu ka dhex taagan yahay Xubnaha Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, kadib markii ay isku khilaafeen in in doorashada Maanta ka dhaceyso Teendhada Afisiyooni aysan ka qeyb galin Xildhibaannadii lagu doortay Magaalooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale, dhankiisa Guddoomiyaha Guddiga guddoonka dooraashada Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa tilmaamay in cidda ka qeyb galeysa Kulanka doorashada Maanta la kala cadeyn doono, isagoo xusay in Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ay kala shaqeyn doonaan liiska uu soo saaro ee Xildhibaanada golahaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post