1152 Views

Maamulka degmada Yaaqshiid oo gacanta ku dhigay koox Burcad ah

Maamulka degmada Yaaqshiid oo gacanta ku dhigay koox Burcad ah
____________________________________________________________________________

Jimco: August 27, 2021

Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in xalay Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Yaaqshiid ay  xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmadaasi.

Saraakiisha horkaceysay howl-galka ayaa sheegay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbiyeen dadka deegaanka, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen.

Ragga la soo qbatay oo afar ah, isla-markaana hubeysnaa ayaa lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay, kadib cabasho ay kasoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay ahaayeen burcad dhac u geysaneysay shacabka, isla-markaana ay u sii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si maxkamad loo soo taago.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post