1083 Views

Dad weli ku go’doonsan Xaafadaha Baladweyne

Dad weli ku go’doonsan Xaafadaha Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2019 — Weli waxaa xaafado katirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan ku go’doonsan dad uu saameeyey fahaada Wabiga Shabeelle,kuwaas oo aan fursad u helin inay ka baxaan ama laga soo saaro.

 

Xaafadaha ay dadka ku go’doonsan yihiin ee Baladweyne ayaa waxaa kamid ah xaafada Kooshin gaar ahaan Laanta Raadeerka,waxana ku sugan Qoysas tira yar,kuwaas oo badbaadin u baahan.

 

 

 

Mid kamid ah dadka ku xayiran xaafada kooshin oo lagu Magacaabo Faarax Jire ayaa sheegay in xaafada ay ku sugan yihiin uu saameeyey fatahaada,isla markaana aysan heysan Hoy ay uga gabadaan qabowga jira.

 

Waxaa uu sheegay in uusan heysan raashinkii uu cuni lahaa,hayeeshee uu maalin walba isticmaalo Caano uu kasoo liso hal Sac oo u joogo,balse aysan jirin cid kale oo u soo gurmato.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment