1299 Views

Madaxweynaha Kenya oo goor dhawayd ku dhawaaqay in uu qaday xayiradii Covid-19

Madaxweynaha Kenya oo goor dhawayd ku dhawaaqay in uu qaday xayiradii Covid-19
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 20, 2021

Madaxweynaha kenya ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay in uu Qaaday xayiradii saarneed Dalka Kenya Xiliyada habeenkii ah, oo ku aadaneed Xanuunka Covid19-.

Uhuru oo ka qudbaynayay maalinta Xoriyada Kenya aya sheegay in uu qaaday xayiradii sarneed isku socodka dadka iyo gaadiidka, wixii ka  danbeeyo 10- habenimo afarsaac ilaa 5 salaada Subax.

Sidoo kale ku dhawaad Sanad iyo bar ayay ahayd Dalka Kenya, oo sadax bil oo kasta cusbooneysiinaysay Xayiraada Xanuunka Covid-19, waxaana laga soo bilaabay mudo bil ah kadib waxa uu gaaray ilaa Bilooyin in la saaro xayiraada Covid19-.

Mararka qaar waxaa la xiri jiray Masaajidyada, Kaniisadaha goobaha maqaayadaha lagu Cabo Qamriga ee la iskugu imaado, isku socodka Xiliyada habeenkii ah, waxayna manta u tahay shacabka Kenya maalin kale.

Dhinaca kale Xayiraada saran dalka Kenya ee ku aadan Covid-19 ayaa saameeyay isku socodkii Garoomada, iyo shaqadii safaarada iyo Hay’adda UNk-ka  ee caawiya qaxootiga, oo bilihii la soo dhaafay aan shaqaynin, waxayna wadamada qaar ee qaada Qaxootiga ku Nool Kenya ay ahaayeen kuwa saameeya xayiraada Cod19-. Ee Dalka Kenya maadaama aan la furi Karin Xafiisyada oo aan la isku iman karin

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post