1425 Views

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo oo ka soo guryo Noqdaty magaalada Dooxa ee Dalka Qadar

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo oo ka soo guryo Noqdaty  magaalada Dooxa ee Dalka Qadar
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 2, 2021

Waxaa galabta dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim.

Farmaajo ayaa  72 saac ka hor waxa uu gaaray magaalada Dooxa uu kaga qayb galay Furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadayu ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post