1614 Views

Bixinta Baasaboorka Soomaaliya Oo Muddo Kadib Maanta Bilowday

Bixinta Baasaboorka Soomaaliya Oo Muddo Kadib Maanta Bilowday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo 6,  2019 –kadib markii la la’aa Muddo ku dhow 3-bilood helista Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta dib loo bilaabay bixintiisa sida ay shaacisay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu Shacabka Soomaaliyeed loogu wargeliyay in Maanta dib loo bilaabay bixinta Baasaboorka Soomaaliya,kaasi oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.

“Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargelineysaa in bixinta baasaboorka ay dib uga bilaabatey dhammaan xaafiisyada dalka, qunsuliyadaha iyo safaaradaha.

Waxaa kale oo aan muwaadiniinta uga mahadcelineynaa dulqaadkooda mudadii hakadka lagu jirey”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato xoog leh waxa ay ka heysatay Muddo ku dhow 3-bilood Helitaanka Baasaboorka Soomaaliya,waxaana u xayirnaa dad farabadan oo xaalado kala duwan ugu bixilahaa dalka dibadiisa,sida Caafimaad,Waxbarasho iyo ganacsi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment