876 Views

Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Suuqa Boosaaso oo kordhay

Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Suuqa Boosaaso oo kordhay
____________________________________________________________________________

Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari , ayuu qabsadey xaley dab weyn, kaasoo ka dhashey korontada.
Dabka wuxuu si gaar ahaaneed u qabsadey qeybta Bagaashka, iyadoo waxyeello uu u geystay afar guri oo waa weyn.
Meheradaha ayaa ku dhex yaalla dhismayaashan waa weyn, uu dabku khasaaraha gaarsiiyey, waxey gaarayaan illaa lixdan.
Ma jirto illaa iyo haatan sida wararku sheegayaan dhimasho iyo dhaawac ka dhashey dabkan. Dabkan ayaa socdey muddo gaareysa illaa iyo laba saacadood.
Dabkan ayaa kacey xaley, iyadoo illaa iyo haatan aan la qiyaasi Karin waxyeeladda inta ay la’eg tahay.
Goobta ay waxyeelladu ka dhacdey ayaa gaareysa masaafo dhan illaa iyo 500m. Suuqa balaciisa ayaa gaaraya illaa iyo 4km.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post