1431 Views

Somalia Iyo Kenya Oo Ku Wajahan Maxkamadda ICJ, Kadib Wada-Xaajoodkii Murankii Xuduud-Baddeedka

Somalia Iyo Kenya Oo Ku Wajahan Maxkamadda ICJ, Kadib Wada-Xaajoodkii Murankii Xuduud-Baddeedka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 23 Maarso, 2019 –Dadaalkii lagu doonayey in Khilaafkaasi laga gaaro Xal, iyadoo aan la wada tegin Maxkamadda  Caddaladda ee ICJ ayaa waxa uu muranka Xuduud-baddeedka waxa uu la kulmay dhibaato, taasi oo dhabaha u xaaraysa inay Somalia iyo Kenya dagaal dhanka Sharciga ee Maxkamadda ICJ ku kala baxaan.

Dowladda Kenya waxay haatan u diyaar garoobayaan inay bisha September ee soo socota Dukumentiyadeeda Kiiskaasi u gudbiyaan Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu dhexe ku yaallo magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Kenya waxay horey ugu fashilantay sannadkii 2016-kii inay Maxkamadda ICJ ka hor caddayso caddaynta Milkiyadda ay ku sheeganayso Xuduud-baddeedka Badweynta Hindiya ee hodanka ku ah Kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.

Wargeyska The Nation waxa uu dhawaan qoray inay Kenya la shir tegi doonto dacwadda bisha September natiijo ka soo baxday Cilmi-baaris ay ku sheeganayso in la hayo caddaymo muujinaya in gunta xuduud-baddeedka la isku haysto.

Waxay Kenyanka sheegayaan in  Xuduud-baddeedkaasi ku jiraan macaadiin horey uga yimid Webiyadda dalkooda oo ku faafsan in ka badan 300 nautical miles marka dhanka Xeebta laga yimaado, waa sida ay hadalka u dhigeen, kadib, fashilkii wada-xaajoodkii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru dhowr isbuuc ka hor ku dhex maray Nairobi.

Wargeyska The Nation waxa uu qoray in Saynis-yahano u dhashay dalka Shiinaha kala shaqeynayaan Khubaro Kenyan ku takhasusay Cilmiga Joolajiyadda soo ururiyeen Xog ku aadan Cilmi-baaris lagu sameeyey caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing, waa sida hadalka loo dhigay.

Dowladdaha Shiinaha iyo Somalia weli kama aysan hadlin Xog-ururintaasi la sheegay inay Khubaro Shiinees ah ku lug leeyihiin, taasi oo haddii la xaqiijiyo muujin karta inay Shiinaha ku soo biirtay dalalka Kenya kula safan Muranka Xuduud-baddeedkaasi.

Saraakiil ka socota Xafiiska Dowladda Kenya ee Sharciga  ayaa sheegay in geeddi-socodka xogtaasi adag tahay, loona baahan yahay Khubaro aan laga heli karin gudaha Kenya.

Calaamadaynta Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay waxay Kenya doonaysaa in calaamadaynta lagu saleeyo xuduudka dhanka Bari ee ay asteeyeen Xooggagii Gumeystayaashii, balse Somalia ayaa ku adkeysanaysa in Xuduudka ka soo bilowdo xuduudka dhulka ee K/bari.

Khubarada Caalamiga ayaa rumeysan Haddii ay Somalia ku guuleystao dagaalka Sharciga ee Maxkamadda ICJ waxay taasi muujin doontaa inay Kenya ku fashilantay shsegashadeeda Milkiyadda qeybo badan oo ka tirsan Xuduud-baddeedka Somalia

Dowladda Kenya oo yaqiinsan guul-darada dhanka Sharciga waxay dib u soo celisay Cadaadis kale oo ay Somalia ku saarayso, xitaa haddii ay u diyaar garoobaan Dagaalka sharciga.

La-bixitaanka qeybo badan oo ka mid ah Ciiddanka Kenya ka joogay Somalia ayaa u muuqata Cadaadis-saar  lala maagan yahay DFS, inkastoo ay Saraakiisha Ciiddanka Difaaca Kenya ee KDF ka gaabsadeen inay ka hadlaan haddii soo-bixitaankooda La-yaabka leh uu qeyb ka yahay Istaraatijiyadda Dowladda Kenya ee Dacwadda Xuduud-baddeedka.

Si kastaba ha ahaatee, Isbuucii hore waxay Ciiddanka Kenya dib uga baxeen Saldhigyaddii ay ku lahaayeen Busaar, Baardheere, Ceel-cadde, Taraka iyo Fafax-dhuun oo ka wada tirsan Gobalka Gedo.

 

Xigasho: Nation

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment