723 Views

Xiisad dagaal iyo hub Urursi ka socda Xananbuurre oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Xiisad dagaal iyo hub Urursi   ka socda  Xananbuurre oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
____________________________________________________________________________


Axad: September 26, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xiisad dagaal iyo hub urursi u dhexeeya laba beelood, ay ka taagan tahay degaanka Xananbuurre oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Labada beelood oo muddooyinkii u dambeeyay colaad ka dhex taagnayd, ayaa shalay dagaal ku dhexmaray degaankaas, waxaana weli labada dhinac isku hor-fadhiyaan goobihii dagaalka.

Labada dhinac ayaa waxa soo gaaray gurmad xoogleh, waxaana laga cabsi qabaa in ay mar kale ku dagaaallaman degaanka.

Sidoo kale Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa socda, iydoo aysan jirin wax waan-waan ah oo laga dhex wado dhinacyada is hor-fadhiya sida ay sheegayaan weriyaasha Gobolka Galgaduud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post