378 Views

Iran daadad xooggan oo sababay dhimashada 53 qof iyo khasaare kale

Iran  daadad xooggan oo sababay dhimashada 53 qof iyo khasaare kale
____________________________________________________________________________

Sabti: JULY 30, 2022

Wararka ka imanaya dalka Iran ayaa sheegaya in illaa 53 qof ay dhinteen halka tiro kalena weli la baadi doonayo, ka dib roobab maahiigan ah oo maalmahan ka da’ayey dalkaas. Roobabkaas ayay ka dhasheen daadad xooggan iyo weliba dhul-go’.

Mehdi Valipour, oo ah madaxa hawlgallada degdegga ah ee Ururka Bisha Cas, ayaa u sheegay TV-ga dawladda Iran in 16 qof ay weli maqan yihiin ka dib laba maalmood oo ay da’ayeen roobab xooggani, waxaana roobabkaas ka dhashay daadad xooggan oo saameeyey illaa 400 oo ah magaalooyin iyo tuulooyin ku yaalla 18 gobol oo ka mid ah 31-ka gobol ee uu ka kooban yahay dalka Iran. Waxaana hakad ku yimi isu socodkii gaadiidka ka dib markii ay xidhmeen waddooyin waaweyni.

Goobta ugu daran ee ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadku ayaa ah, magaalada Firouz Kooh oo ku taalla buuraha Alborz ee woqooyiga bari ee magaalada Tehran, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha Tehran Mohsen Mansouri.

Magaalada Firouz Kooh oo qiyaastii 140 KM u jirta caasimadda Tehran ayaa ka mida goobaha ay ugu jecelyihiin dadweynuhu inay fasaxooda ku qaataan.

REUTERS

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post