732 Views

Taalibaan “Hambalyo Afghanistan guushan annagaa iska leh waxaan xiriir wanaagsan la yeelan doonaa Mareykanka iyo caalamka

Taalibaan “Hambalyo Afghanistan  guushan annagaa iska leh waxaan xiriir wanaagsan la yeelan doonaa  Mareykanka iyo caalamka
____________________________________________________________________________

Talaado: August 31, 2021

Qaar ka mid ah xubnaha hoggaanka Taalibaan ayaa la sheegay inay soo gaareen garoonka diyaaradaha ee Kabul, waxayna wariyeyaasha kula hadlayeen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa afhayeenka Talaibaan Zabihullah Mujahid ayaa yiri: “Hambalyo Afghanistan … guushan annagaa iska leh”. “Waxaan dooneynaa inaan xiriir wanaagsan la yeelano Mareykanka iyo caalamka. Waxaan soo dhaweyneynaa xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan dhammaanteen,” ayuu raaciyay.

Sidoo kale Militariga Mareykanka ayaa soo afjaray daadgureyntii ay ka wadeen Afghanistan, taas oo ka dhigan in uu soo dhammaaday ololihii uu bilaabay George W Bush wixii ka dambeeyay September 11-keedii labaatan sano ka hor.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post