606 Views

Ururka Caafimaadka Adduunka oo ka digay faafitaanka COVID-19

Ururka Caafimaadka Adduunka oo ka digay faafitaanka COVID-19
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 15, 2021–Khubaro Caafimaad oo  ku takhasusay cudurrada faafa ayaa sheegay in wali dadka dunida ku nool  ay khatar ugu jiraan inuu ku dhaco Xanuunka Covid 19, gaar ahaan Delta.

Sidokale khubarada ayaa ka dhawaajiyay in ciribtirka fayraska kala duwan ee Corona, uu u baahanyahay dadaallo wadajir ah si loo hirgeliyo qorshaha lagu  xakameynaayo.

Muuqaal laga duubay  Dr. Maria Van Kerkhove, oo  lagu baahiyay Bogga tweet-ka Ururka Caafimaadka Adduunka, oo looga hadlaayay la dagaallanka Covid-19, ayaa lagu qeexay in kororka tirada dadka cudurka qaba ay ku sii badanayaan Waddamada Brazil iyo India.

Dr. Maria Van, ayaa ka dhawaajisay in ay muhiim tahay in Dowladaha Caalamka ay si wada jir ah u hir galiyaan  qorshaha  la dagaalanka Corona Virus, gaar ahaan faraciisa Delta oo hadda meel ka mid ah Caalamka khatar ku haya.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post