1329 Views

Muqdisho oo caawa la ciir ciiraysa Ciidamo is hor fadhiya 4 sano kadib weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur..

Muqdisho oo caawa la ciir ciiraysa Ciidamo is hor fadhiya 4 sano kadib weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur..
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Waxaa caawa Magaalada Muqdisho ka jira Xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo taliyihii hore ee ciidanka booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq John, oo galabta gabaldhicii u soo guuray xaafada shirkole.

Gadiidka dagaalka Nuucyadiisa kala duwan oo ay wataan Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa haramcad ayaa hareereeyay, Hoyga uu ka Dagan yahay saadaq joon Muqdisho caawa Mar kale.

Saadaq ayaa gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde ku laabtay shalay subax kadib markii madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu u ballan-qaaday inaysan dowladda soo weerari doonin, hase yeeshee maanta ayaa ciidamo badan la dul-dhogay.

Sidoo kale Saadaq iyo ciidankiisa ayaa xoog kaga gudbay barta koontarool ee Wadada Jaayga, ee agagaarka garoonka, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoogleh geysay, si ay u go’doomiso.

Wararka ayaa sheegaya inuu hadda ku sugan deegaanka Shiirkole oo ah xaafad ay reerkiisa u badan yihiin.

Qeyb ka mid ah xaafadda Shiirkole iyo xaafadaha ka ag dhow ee degmada Hodan ayaa waxaa caawa laga dareemaya dhaq-dhaqaaq ciidan, ayada oo dowladda ay ciidamo badan dhigtay, mana cadda qorshaha ay damacsan tahay. Sidoo kale, ciidan taabacsan Saadaq oo xooggan ayaa ku sugan Shiirkole. 

2007-kii ayay ahayd markii Ciidamo uu Wato saadaq joon ay sidaan oo kale u xireen Wadada hor marta KM4 kuwaas oo weerar ku ahaa Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post