525 Views

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee oo ku guda jiro hoggaaminta Gulufka Howlagalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa waxeey la wareegeen degaano dhowr ah oo hoosyimaada Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas

Degaannada ay Ciidamada la wareegeen ayaa waxaa kamid ah degaannada, Beer-gadiie, Coomaad, Gaal-fuul,laansaban, Madhooy iyo degaano kale ,halkaas oo ay aad ugu xooganaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiran ayaa lagu sheegay in howlgalkan guulo wanaagsan laga gaaray, iyada oo laga jawaabayay dhibaatooyinkii ay Al-Shabaab u geeysteen Shacabka Birimageey’dada ah dhamaan Bulshada ku dhaqan degaanna u dhow degmooyinka Maxaas & Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ayaa wali wada howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si looga hortago weerarada ay geeysanayaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post