621 Views

Dad reer Afghanistan ah oo ku dhintey garoonka Kabul bannaankiisa kadib isbuurasho

Dad reer Afghanistan ah oo ku dhintey garoonka Kabul bannaankiisa kadib isbuurasho
____________________________________________________________________________


Axad: August 22, 202

Toddobo qof oo rayid ah ayaa ku dhintey isbuurasho ka dhacdey bannaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul, iyadoo ay si waliba isugu dayayaan iney ka cararaan la wareegista dalka Afghanistan ururka Taliba, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ingiriiska.

Afhayeen u hadley wasaaradda difaaca, ayuu ku sheegay war ay soo saareen iney wajahayaan caqabado aadu xun, ha yeeshee ay sameynayaan wax waliba oo ay awoodaan, si ay u badbaadiyaan shacabka, una xakameeyaan amni darida jirta.

Wuxuu intaa raaciyey iney jiraan goobo ay wax ka dhaceen oo ku beegan bannaanka garoonka, iyadoo kumanaan reer Afghanistan ah ay isku dayayaan iney baxsadaan.

Dalal badan ayaa ku guul dareysteen iney caawimaad u fidiyaan muwaadiniintooda, iyo dadkii reer Afghanistan ee la shaqeynayey.

Illaa iyo afar kun iyo shan boqol oo ciidamo Mareykan ah, ayaa si kumeel gaar ah u maamulaya garoonka caalamiga ee Hamid Karzia, iyadoo ay jiraan sagaal boqol oo ciidana oo Ingiriisa oo Iyana ilaaliya garoonka, iyagoo qeyb ka ah dadaalada lagu sugayo amniga duulimaadyada wax daad gureynaya.

Dagaal yahanada Taliban ayaa joogga baraha laga soo galo garoonka, iyagoo xirey dad reer Afghanistan ee aan wadanin aqoonsiga, ee doonayay iney dhoofaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post