1263 Views

AFRICOM Oo Duqeysay Fariisimo Al-Shabaab Iyo Daacish Ku Leeyihiin Somalia

AFRICOM Oo Duqeysay Fariisimo Al-Shabaab Iyo Daacish Ku Leeyihiin Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2019–Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inay labo duqeyn fuliyeen bishan May 22-dii, iyadoo weerarkii ugu horreeyey lala beegsaday fariisin ay Daacish ku leeyihiin Buuraha Golis ee Maamulak Puntland.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay AFRICOM ayey ku sheegeen inay duqeyntaasi ku dileen 2 ka tirsan Kooxda Daacish, waxayna duqeyntaas ahayd tii 5-aad ee sannadkan lala eegto Daacish-ta Somalia.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay inay dhamaan 5-ta hawlgal dhaceen Waqooyiga Somalia tan iyo bishii May 14-dii, iyadoo 4 duqeyn lala begsaday Buuraha Golis, halka mid kalena uu ka dhacay Deegaanka Xiriiro.

Duqeyntii dhacday bishii April 14-dii waxay AFRICOM sheegtay in lagu dilay C/xakiim Dhuqub oo ahaa Ku-xigeenka Amiirka Daacish-ta Somalia.

 

Dhinaca kale, qoraalka ka soo baxay AFRICOM waxaa lagu muujiyey  inay bishan May 22-dii duqeyn ka geysteen Deegaanka Beledul-amiin ee Gobalak Sh/hoose, kuna dileen 2 Dagaalyahan o oka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

AFRICOM waxay sheegeen inay duqeyntaasi ahayd tii 33-aad ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadeen tan iyo bilowgii sannadkan 2019-ka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment