1875 Views

Magaalada Toronto ayaa nin hubeysan rasaas ku furay dad shacab ah

Magaalada Toronto ayaa nin hubeysan rasaas ku furay dad shacab ah
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | July 23, 2018 –  Labo ruux oo mid ka mid ah uu yahay ninkii hubaysnaa iyo haweenay da’yar ayaa dhintay 14 ruux oo kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib toogasho ka dhacday magaalada Toronto, sida uu sheegay booliiska dalka Canada.

Toogashada ayaa ka dhacday agagaarka Danforth iyo Logan habeennimada Axadda.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah gabadh yar, waxaana xaaladdeeda lagu sheegay mid aad u liidata, booliiska ayaa dalbanaya dad goobjoogeyaal ah.

Qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ayaa lagu daweeyay isla goobtii, halka kuwo kalana loola cararay isbitaallo ka ag dhaw, ma cadda ujeedada laga lahaa toogashadaas.

Jeremy Cohn oo ah saxafi ka tirsan @globalnewsto ayaa soo dhigay muuqaalkan isaga oo sheegaya in ay dhaawacyadu daadsan yihiin goobo kala duwan.

.

W/Q:- Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment