915 Views

Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed oo heshiis kala saxiixday

Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed oo heshiis kala saxiixday
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 23, 2019 | QOL |   –Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa shir ku yeeshay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed,waxaana  shir guddoomiyey Madaxweynayaasha labada Maamul ee Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen.

 

Waare iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa dhawaan Baydhabo kaga qeyb-galay munaasabad lagu xusayey sanad-guuradii 1aad ee markii xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed loo doortay Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen..

 

 

 

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa ay uga hadleen qodobo ay kamid ahaayeen  sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wadashaqeyn ee labada dhinac iyo iskaashiga dhinaca Amniga.

 

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed Ugaas Xasan oo kulanka ka Warbixinayey ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku heshiiyeen labada dhinac ay kamid ahaayeen isku furista wadooyinka iyo degmooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab.

 

Labada Maamul ee Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay yihiin labada Maamul ee lagu tiriyo inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment