807 Views

Faahfaahino kasoo baxaya Safarka Qarsoodiga ah ee Qoorqoor ku tagay Nairobi

Faahfaahino kasoo baxaya Safarka Qarsoodiga ah ee Qoorqoor ku tagay Nairobi
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 12 2020
—Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  ayaa shalay Safar deg deg ah oo aan la shaacin ku gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya xilli maanta lagu waddo in uu Muqdisho ka furmo Shirka Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu xalay kulamo kala duwan la qaatay Saraakiil ka socotoy dowladda Imaaraadka Carabta, Ganacsato reer Galmudug iyo sidoo kale Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay.

Waxaa si weyn loo hadal haya kulan Nairobi ku dhex maray Madaxweyne Qoorqoor iyo Saraakiil uu horkacayay Xuseen Darwiish Al-Shamsi oo ah Madaxa Mukhaabaraadka Imaaraadka u qaabilsan Geeska Afrika iyo Sii Hayaha Safiirka  Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Kulamaddaan ayaa looga hadlay Arimo ku saabsan sidii dowladda Imaaraadka Carabta ay taageero u siin laheyd maamulka Galmudug sidda qalabeynta Ciidanka, Mushaaraadkooda iyo dhismaha dekedda Hobyo.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayuu sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweyne Qoorqoor.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post