1200 Views

Puntland & Soomaaliland oo Maxaabiis is dhaafsaday

Puntland & Soomaaliland oo Maxaabiis is dhaafsaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 03,, 2019  –Diyaarad sidda 14 maxbuus oo laga keenay magaalada Hargeysa ayaa waqti Xaadirkan ka degaysa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

 

Wararka laga helayo Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad siday 14 Maxbuus kana timid Magalada Hargeysa ay ku degatay Garoonka diyaaradaha Magalada Garoowe.

 

 

Maxaabiistaas ayaa sida la sheegay waxa ay ka mid ahaayeen  kuwii Soomaaliland ku qabatay daagalkii Soomalailand iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

 

Sidoo kale diyaaradda ayaa Hargeysa u qaaday  saddex Maxbuus oo Somaliland looga qabtay Tukaraq kuwaasi oo ku xirnaa Xabsi ku yaalla  Magaalada Garoowe.

 

Heshiiskan maxaabiis is-weydaaarsiga labada dhinac waxaa ka soo shaqeysay hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC, Maamulada puntland iyo somaliland iyo odayaasha iyo waxgaradka labada maamul.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment