699 Views

Natiijada Doorashada Mareykanka oo lagu wado in goor dhaw la shaaciyo

Natiijada Doorashada Mareykanka oo lagu wado in goor dhaw la shaaciyo
____________________________________________________________________________

.

Doorashada Madaxtinnimada Mareykanka waxay ahayd  Talaadadii, balse weli waxaa laga dhursugayaa musharraxa ka soo gudba khadka codadka 270. Hadda la joogo, Joe Biden ayaa u dhow iyadoo tirinta codadkuna ay weli socoto:

·Gobolka Georgia, labada musharrax ayaa weli qoorta iskula jira, iyadoo hoggaanka uu gobolkaas u hayay Trump ay hoos ugu dhacday ilaa 600 oo codad ah. Guddiga doorashada ayaa sheegay inay sii wadi doonaan tirinta ayna ku rajo weyn yihiin in natiijada ay maanta soo baxdo

·Biden ayaa 11,000 codad ah ku hoggaaminaya Nevada, kaddib markii 89% codadka gobolkaas la tiriyay

·Hoggaanka uu Trump u hayay Pennsylvania ayaa hoos ugu dhacay 20,000 oo codad ah, iyadoo codadka boostada lagu soo diray iyo kuwa dadka maqanba la xisaabiyay, waxaase weli harsan boqollaal kun oo codad ah

·Balse codadka uu Biden ka helay Arizona ayaa yaraaday, iyadoo uu ku hoggaaminayo haatan 7,000 oo codad ah

Gobollada Alaska iyo North Carolina weli tirinta codadka ayaa socota, Trump ayaana ku horreeya labada gobol. Balse haddii uusan ku guuleysan qaar ka mid ah afartaas gobol, Trump wax fursad ah uma heysto in dib loo doorto. Biden ayaa heysta fursado badan oo uu ku guuleysan karo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post