366 Views

Wasiirka Amniga “Farmaajo wuxuu wadaa qorshooyin dalka qatar ku ah maadama uu difaacay ceyrintii Francisco Madeira

Wasiirka Amniga “Farmaajo wuxuu wadaa qorshooyin dalka qatar ku ah maadama uu difaacay ceyrintii Francisco Madeira
____________________________________________________________________________


Axad: April 10, 2022

Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu wado qorshooyin khatar ku ah dalka, ujeedka uu ka leeyahayse ay tahay in Villa Somalia uu kusoo joogo waa sida uu hadalka u dhigee.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa soo hadal qaaday go,aanka Farmaajo ee uu dalka kusii joogayo Danjirihii Midowga Afrika ay dalka ka eriday Xukuumadda RW Rooble, isagoo sheegay in sababta Madaxweyne Farmaajo uu ku difaacayo Danjire Francisco ay tahay sidii uu iskaga hor keeni lahaa Shacabka iyo Ciidamada Midowga Afrika sidii uu isaga hor keeni lahaa.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday sidiisaba waa nin aaminsan in uu dhex fadhiyo Villa Somalia, waa nin jeclaan lahaa haddii uusan sii joogi Karin in uu dalka u gacangeliyo Al-Shabaab, waxa uu ka shaqeynayaan sidii uu isaga hor keeni lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka Nabad ilaalinta Dalka u jooga Ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga XFS ayaa wacad ku maray in aysan dhici doonin in Danjire Madeira uu dalka ka shaqeeyo, iyada oo la iska indha-tirayo go’aanka Eryidda ah ee Xukuumadda Federaalka Dalka uga saartay.

“Madeira oo ah qofka la garanayo ayaa dalka dib ugu soo laabanayo kana sii ahaanayo Danjire wax dhacaayo ma aha, iyaguna way garan karaan, waana arki doontaan haddii aysan noqon saacadaha soo socda in maalmaha soo socda sheekadaas way iska dhammaaneysaa” Ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in haddii lagu guuleysto dhaarinta Baarlamaanka 11aad ee JFS dalka uu ka badbaadayo khatarta kusoo wajahan, balse haddii lagu guuldareysto halista ay noqon doonto mid sii taagnaata.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post