1260 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 15, 2019 –Allaha u Naxariistee waxaa xalay dalka Koonfur Afrika dil loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsada dalkaasi Koonfur afrika.

Muwaadinka soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Nuur Dheere ayaa lagu dilay goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Magaalada Johannesburg,waxaana la sheegay inay dilkiisa ka dambeeyeen Burcad Koonfur Afrikaan ah.

Wararka laga helayo Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in Muwaadinka Soomaaliyeed ee xalay la dilay tira ka dhowr jeer oo hore ay Kooxo Burcad ah dhaawaceen,hayeeshee ugu dambeyn xalay la dilay.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika ayaa aad uga walaacsan dilalka joogtada ah ee Soomaalida loogu geysto dalkaas,waxaana dilalka ay aad u kordheyn markii la galay sanadkan 2019-ka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment