795 Views

Markab Shidaal oo la duqeeyey

Markab Shidaal oo la duqeeyey
____________________________________________________________________________

Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lahayn ee Drone ayaa la sheegay inay duqeysay Markab nooca shidaalka qaada (Tanker) oo ku sugnaa meel ka baxsan Xeebaha dalka Syria.

Wasaaradda Batroolka ee dalkaasi ayaa xaqiijisay in Markabkaasi la duqeeyey xilli uu tagnaa duleedka Tereminalka Wershadda Sifeynta Shidaalka ee Baniyas.

Wakaalladda Wararka u faafisa dalka Syria (The Syrian Arab News Agency) ee SANA ayaa sheegtay in la rumeysan yahay inay Diyaaradda Drone-ka ka timid jihada Biyaha dalka Lubnaan (from the direction of Lebanese waters).

Kooxaha Dab-damiska ayaa la sheegay inay damiyeen dabka ka kacay Markabka la weeraray.

Wakaalladda Wararka Syria faahfaahin kama bixinin halka uu Markabka ka imaanayey.

Sidoo kale, ma kala cadda Aqoonsiga Markabkaasi, inkastoo uu Telefishinka Al-Caalam ee dalka Iran shaaciyey in mid ka mid ah saddex Markab Shidaal oo Iiran leedhay ay gaareen Haamaha Shidaalka ee Syria.

Wakaalladda Wararka Iran ee TASIMIN waxay beenisay in Markabka la duqeeyey uu ahaa Markab Iiraani.

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria ee fadhigooda dhexe ku yaallo dalka Britain waxay soo weriyeen in Markabka la weeraray uu ka soo shiraacday dalka Iran.

Kooxda waxay kaloo tilmaameen inuu Markabku qarax haleelay, taasi oo keentay dab dhaliyey Khasaaro Qalabeed.

Madaxda Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria, Raami C/raxmanaan waxa uu sheegay inuu weerarkaasi ahaa kii ugu horeeyey ee lala beegsado Markab Booyadle Shidaal,balse marar hore yaa la beegsaday Tereminalka Wershadda Sifaynta Shidaalka ee Baniyas.

Degmadda xeebta leh ee Baniys waxaa ku yaalla Wershadda sifeynta Batroolka, halka Wershad kalena ku taallo magaalladda Xomos oo soo saarta qeybo ka midh Shidaalka, Gasoline,Shidaalka loo adeegsado Diirimaadka iyo wax-soo-saarka kale ee shidaalka laga farsameeyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post