864 Views

Turkiga oo ka soo horjeestay iney Finland iyo Sweden ku biiraan NATO

Turkiga oo ka soo horjeestay iney Finland iyo Sweden ku biiraan NATO
____________________________________________________________________________


Sabti: May 14, 2022

Madaxweynaha Turkiga Racip Tayib Erdogan ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo waddamada Finland iyo Sweden iney ka mid noqdaan Gaashaan-Buurta NATO.

Erdogan wuxuu sheegay iney la habboon tahay Finland iyo Sweden sida ay siyaasadda caalamka muddo dheer dhexdhexaadka uga ahayn ay dhexdhexaad uga sii ahaadaan.

Labada dal oo muddo dheer siyaasadaha caalamka dhexdhexaad ka ahaa ayaa dagaalka Ukraine marka uu billaawday kaddib sheegay iney doonayaan iney NATO ka mid noqdaan.

Codsiga ay gudbiyeen waddamada Finland iyo Sweden waxaa si weyn uga carootay Moscow.

Ruushka ayaa ka digay in Finland iyo Sweden oo ku biiraan gaashaan buurta NATO ay horseedi doonto in gobolka Baltic lagu dagaallamo.

Wasiirka Arrimaha dibadda Canada Melanie Joly oo warfidiyeennada la hadashay waxay sheegtay iney doonayaan iney arkaan Finland iyo Sweden oo ka mid noqday gaashaan buurta NATO.

Hay’adda u xilsaaran adeeg bixinta korontada Finland ayaa xaqiijisay inuu Ruushka hakiyey korontadi ay ka heli jiren.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post