69 Views

Howjoogihii Khawaarijta ee degmada awdheegle oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Howjoogihii Khawaarijta ee degmada awdheegle oo lagu dilay howlgal qorsheysan
____________________________________________________________________________

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka kuwaas oo ka dhacay goballada Shabeellaha Hoose iyo Mudug.

Howlgalka hore oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba horjooge oo kala ahaa, Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Labada horjooge ee la dilay ayaa ahaa dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale howlgal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay toddobo ka mid ah Khawaarijta kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen duleedka magaalada Caad ee Gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta haraadiga ah.

__________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post