900 Views

Rooble oo xafiiskiisa kula kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay geerideeda.

Rooble  oo  xafiiskiisa kula kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay geerideeda.
____________________________________________________________________________


Aaxad: September 5, 2021

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay geerideeda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayey Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan, wuxuuna ra’iisul wasaaraha la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale Rooble ayaa qoyska iyo ehelada Ikraan ka dalbaday in in si deg-deg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afduubtay.

Tan iyo markii ay hay’adda NISA sheegtay inay geeriyootay Ikraan, kuna baxday gacanta Al-Shabaab, ayaa waxaa isa-soo tarayay afduub aargudasho ah oo ay sameynayeen maleeshiyaad qaraabo la’ah Ikraan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post