474 Views

Kuuriyada Waqooyi oo sanadkan 2022 ku macsalaameysay tijaabinta gantaallo ay ku riday Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Waqooyi oo sanadkan 2022 ku macsalaameysay tijaabinta gantaallo ay ku riday Kuuriyada Koonfureed.
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 31, 2022

Kuuriyada Waqooyi ayaa saddex gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ku riday dhinaca badda gaar ahaan bariga gacanka Kuuriya, sida laga soo xigtay militeriga Kuuriyada Koonfureed.

Gantaalladan oo ahaa nooca ballistic ayaa waxay jareen masaafo dhan 350 Kiiloomiitar ka hor inta aysan ku dhicin badda.

Taliyaha ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa arrintan ku tilmaamay falal dandaansi ah oo daran.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkan tijaabisay gantaallo fara badan marka loo barbardhigo sanadihii hore xilli ay isku dayayso inay horumariso hubka casriga ah ee Nukliyeerkeeda.

Xukuumadda Washingtnon waxay sheegtay in tijaabadii hubka ee ugu dambeysay ee Kuuriyada Waqooyi aysan wax halis ah ku aheyn Mareykanka iyo xulafadiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post