1215 Views

Shirkad lacag ku bixineysa in aad u ogolaato in baranbaro ay gurigaaga ku sii deyso

Shirkad lacag ku bixineysa in aad u ogolaato in baranbaro ay gurigaaga ku sii deyso
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

 

Shirkad ka shaqeysa la dagaalanka cayayaanka oo fadhigeedu yahay Waqooyiga Karolina ee dalka Mareykanka ayaa bixinaysa $2,000 si milkiilayaasha guryaha ay ugu oggolaadaan inay baranbaro ku sii daayaan gurigooda.

Shirkada oo lagu magaacabo , “The Pest Informer”, ayaa boggeeda internetka ku sheegtay inay raadinayso shan ilaa toddobo qoys oo u oggolaada farsamayaqaannadeeda cayayaanka inay guryahooda ku sii daayaan ilaa 100 baranbaro muddo 30 maalmood ah.

Shuruudaha ay shirkada hor dhigtay dadka doonaya inay ka qeybgalaan daraasadan ayaa waxaa kamid ah:

Waxaa mulkiilaha guriga looga baahnayahay ogolaansho qoraal ah , kaas oo ah inuu yahay ugu yaraan da’da 21, gurigana waa inuu ku yaal meel ka mid ah magaalooyinka Maraykanka.

Shirkaddu waxay sheegtay in habkani uu u oggolaan doono inay barato “farsamo gaar ah oo ka hortagga cayayaanka.” Daraasadu waxay qaadan doontaa ilaa 30 maalmood waxayna u baahan doontaa farsamoyaqaanno inay muqaalo ka duubaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post