387 Views

Ruushka oo ka digaya khatarta dagaal ballaaran oo aan horay loo arag

Ruushka oo ka digaya khatarta dagaal ballaaran oo aan horay loo arag
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in hubka reer galbeedka ee la geynayo Ukraine ay ka dhigan tahay in xulafada Nato ay “dagaal kula jiraan Ruushka” isaga oo ka digay inay arrintaasi ay horseedi karto khatarta dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca.

Wareysi la sii daayay Isniintii, ayuu ku yiri: “Hubkani wuxuu noqon doonaa bartilmaameed sharci ah oo loogu talagalay militariga Ruushka ee ku hawlan hawlgalka gaarka ah.”

Lavrov waxa kale oo uu qiray inay jirto suurtogalnimada in isku dhacu uu gaaro hubka nukliyeerka. Isagoo la hadlayay Channel-ka Koowaad ee Ruushka, wuxuu sheegay in Moscow ay doonaysay inay ka fogaato khataraha dagaalkan oo kale ah. “Tani waa meesha ugu muhiimsan ee aan ku salayno wax walba. Khatarta hadda waa mid aad u badan,” ayuu yiri Lavrov.

Dhanka kale, Ruushka ayaa sheegay inuu baari doono waxa dhaliyay dab weyn oo ka kacay xarun shidaalka lagu keydiyo oo ku taalla magaalada Bryansk.

Muuqaal lagu baahiyay internet-ka ayaa muujinaya wax u muuqda laba qarax, iyo dab xooggan oo markaa kadib qabsaday xarunta.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post