381 Views

dalka Sri Lanka oo wajahayo dhaqaalo xumo tii ugu darneeyd.

dalka Sri Lanka oo wajahayo dhaqaalo xumo tii ugu darneeyd.
____________________________________________________________________________

Sabti: May 21 2022

Masuuliyiinta dalka Sri Lanka ayaa Jimcihi amray in la xidho iskuulada dalkaas, arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalkaas ay soo foodsaartay shidaal yari aad u daran iyo weliba dhaqaale xumidii ugu darnayd ee dalkaas haleesha muddo tobanaan sano ah.

Wasaaradda Maamulka Dadweynaha ayaa sidoo kale ka codsatay shaqaalaha dawladda – marka laga reebo kuwa haya shaqooyinka muhiimka ah – inaanay shaqada iman maanta oo Jimce ahayd. Haddii aan wax isbedelin, Sri Lanka ayaa laga cabsi qabaa inay maalmaha soo socoto ay noqoto shidaal la’aan.

Dawladda ka dhisan Sri Lanka ayaa bilihii u dambeeyey waxay la daalaa dhacaysaa sidii ay u heli lahayd lacag ay ku iibsato Shidaalka, Gaasta iyo agabka kale ee muhiimka ah ee dalkaas looga baahan yahay, haddii aan dalkaasi helin taageero dhaqaale waxaa looga cabsi qabaa inuu dalkaasi musalafo ama kaco.

Dhaqaale xumada soo wajahday dalkaas ayaa keentay qalalaase siyaasadeed, waxaana bilaabmay mudaharaaddo xooggan oo looga soo horjeedo xukuumadda ka arimisa dalkaas.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey jiray iscasilaado joogto ah oo ay xilalka kaga tegayaan xubno ka tirsan dawladda, hase ahaatee madaxweyne Gotabaya Rajapaksa ayaa Jimcihii maanta dhaariyey illaa sagaal wasiir oo cusub, isaga oo isku dayaya inuu xasiliyo dawladdiisa. Wasiirada cusub ayaa isugu jira afar xildhibaan oo madax banaan, saddex ka tirsan xisbiga talada haya iyo labo ka mid ah mucaaradka ugu weyn dalkaas.

Madaxweynaha Sri Lanka ayaa bishii hore ee April, wuxuu wadahadalo la yeeshay hoggaanka xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaas, ee lagu magcaabo United People’s Force, hase ahaatee xisbigaas ayaa iska diiday dalabka uga yimi madaxweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post