2823 Views

Golaha Amaanka oo waqtiga u kordhiyay AMISOM

Golaha Amaanka oo waqtiga u kordhiyay AMISOM
____________________________________________________________________________

QMuqdisho | QOL | August 31  2017 – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo kordhin u sameeyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda muddada ka badan 10 Sano.

Kulan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey Arbacadii ku yeesheen Newyork ayaa lagu kordhiyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Muddo kordhintan waxaa ay gaareysaa ilaa Bisha May ee 2018,waxaana sidoo kale ku jira qorshaha waqti cubooneysiinta AMISOM qaabka AMISOM ay uga baxeyso Soomaaliya.

Qorshahan waxaa uu muujinayaa in Ciidamada AMISOM, 500 Askari ee ugu horreysay ay Soomaaliya ka baxayaan dhamaadka Sanadkan 2017,iyada oo ay ku xigi doonto in 1,000 Askari  oo AMISOM ah ay ka baxaan Soomaaliya marka la gaaro October 2018ka,amaba ka hor haddii ay suuragasho.

Muddo kordhintan cusub waxaa ay xagal daacin ku tahay qorshihii dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay in Amniga Dalka ay kala wareegto AMISOM,waxaana jira Qorshaha Midowga Afrika ee AMISOM uga baxeyso Soomaaliya in uu ku egyahay marka la gaaro Sanadka 2020.

22,000 oo Askar AMISOM ah oo u badan dalalka dersika ah ayaa ka mid ah Howlgalka AMISOM,waxaan 10 kii Sano ee la soo dhaafay ay dagaal ku jireen Al-shbaaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment