1680 Views

QM oo Israa’iil uga digtay in aysan burburin tuulada Bedoun

QM oo Israa’iil uga digtay in aysan burburin tuulada Bedoun
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sepetmebr 17, 2018 —Ergeyga Qaramadda Midoobay u qaabilsan nabadeynta Bariga Dhexe Nickolay Mladenov ayaa uga digay Israa’iil in ay burburiso tuula ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ku taal dhulka ay Yhuudda haysata ee daanta Galbeed.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee nabadeynta Bariga Dhexe Mr Mladenov ayaa ugu baaqay Israa’iiliyiinta inay ka fiirsadaan burburinta deegaakaaso la degan yahay, isaga oo sheegay in burburinta tuulada Bedouin ee Khan al-ahmar ay jabin doonto sharciga caalamiga.

Maxaa xiligaan adag la gudboon madaxda Falastiiniyiinta?

Waxa uuna Mr Mladenov intaasi ku daray in dadka halkaasi degan oo xoog lagu raro ay wax u dhibi karto dedaalada ugu dambeynta lagu doonayo in halkaasi looga dhiso dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in tuulada la dhistay ogolaansho la’aan, lana diyaariyay in dadka degan halkaso loo raro goobo kale oo ka wanaagsan kana amaan badan.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment