1044 Views

Ciidanka Danab oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Mudug

Ciidanka Danab oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey Al-Shabaab.

Saaka waaberigii ayay deegaanka soo galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey Al-shabaab,hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada

Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sheekh  Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad xiriir la lahaa Al-Shabaab.

Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbadal xagga hogaanka ah ayaa qaybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud ka wado hawlgallo lagula dagaalamayo  Al-shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment