867 Views

Falastiiniyiin lagu dilay Daata Galbeed iyo Lubnan

Falastiiniyiin lagu dilay Daata Galbeed iyo Lubnan
____________________________________________________________________________

isniin: December 13, 2021

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil caafimaad, ciidamada Israel ayaa Isniinta maanta ah dhulka la heysto ee Daanta Galbeed ku dilay nin Falastiini ah.

Ciidanka booliska ee sida milatariga oo kale u tabaran ee Israel ayaa sheegay in ciidanka dhar-cadda ay rasaas ku fureen nin Faralstiini ah oo xirnaa walxaha qarxa, kaddib marki uu kusoo dhawaaday aagga xadka.
Ururka Islamic Jihad ee Falastin ayaa bayaan ay soo saareen tacsi ugu diray qoyska ninka la dilay, hase yeeshee ma bixinin faah-faahin ku saabsan in uu iyaga ka tirsanaa iyo in kale.

Dhanka kalana, Ururka Xamas ayaa ku eedeeyay maamulka Falastin in ay ka danbeeyaan, dilka saddex xubin oo iyaga ka tirsanaa oo Axadi shalay lagu dilay, iska hor-imaad ka dhacay xerada Falastiiniyiintu daganyihiin ee Burj al-Shemali ee dalka Lubnan.

Laba sarkaal oo ka tirsan Hamas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay dilka xubnaha ka tirsanaa Xamas ee ka dhacay Lubnan.

War kasoo baxay Xamas ayaa lagu sheegay, in raggaasi ay dileen ciidanka amniga qaranka ee Falastin ee hoos taga maamulka Falastiin.


Maamula Falastin ayaa sheegay in ay arrintaasi baarayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post