570 Views

Guddiga Xalinta khilaafaadka oo isku khilaafay doorashadii Ceelwaaq

Guddiga Xalinta khilaafaadka oo isku khilaafay doorashadii Ceelwaaq
____________________________________________________________________________

Sabti: April 23, 2022

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Maxamed Cawil Warsame oo looga hadlay doorashooyinka ka bilowday Magaalooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq oo ka wada tirsan Gobolka Gedo, ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo hareer marsan heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu sheegay in Guddiga Xalinta khilaafaadka uu ku dhisan yahay heshiis siyaasadeed oo ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran 1-dii Oktoobar 2020, iyadoo qoraalka lagu xusay in waajibaadkiisa shaqo ee ugu muhiimsan ay tahay  inuu hubiyo in kursi kasta la doortay ama loo qabtay hannaan waafaqsan Heshiiska 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyada doorashooyinka. 2021-2022.

Go,aankaan kasoo baxay xubnaha uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashada, waxaa ku kala qeyb samay xubno ka mid ah Guddiga, kadib markii ay kasoo horjeesteen talaabada Guddoomiyaha Guddigaaas Maxamed Cawil Warsame.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka kasoo baxay Guddiga ayaa lagu yiri  “Guddiga Xalinta khilaafaadka wuxuu usoo jeedinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay xal waara u hesho doorashooyinka isbarbaryaacsan ee haatan ka socda magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq taasoo u baahan wada hadal, isqancin iyo tanaasul siyasadeed.”

Dhinaca kale, Guddiga Xalinta khilaafaadka xubno ka mid ah waxaa ay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq iyagoo sheegay in halkaas ay ku kala qabanayaan doorashada 16-ka kursi, iyadoo qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT lagu sheegay in doorashadii11-ka Kursi ahayd ee ka dhacday Ceelwaaq ay Goob joog ka ahaayeen xubno ka socday Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashada kuwaas oo gudanayay waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambeyn, Guddiga FEIT ayaa war-saxaafadeedka kasoo baxay ku caddeeyay in doorashadaas ay ku qabsoontay si Nabdoon, sidoo kalena ay waafaqsaneed dhamaan habraacyadii doorashada u degsanaa.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post