798 Views

QM oo sheegtay in 9 milyan oo qof ay halis ugu jiraan in ay ku barakacaan dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Ethiopia

QM oo  sheegtay in 9 milyan oo qof ay halis ugu jiraan in ay ku barakacaan dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Ethiopia
____________________________________________________________________________

QM ayaa sheegtay in 9 milyan oo qof ay halis ugu jiraan in ay ku barakacaan dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Ethiopia, iyadoo ka digtay in ku dhawaaqista dowladda ee xaaladda degdegga ah ay hor istaageyso cuntada iyo gargaarka kale.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sii riixaya olole militari oo uu ku dhawaaqay Arbacadii, in kasta oo caalamku ku baaqay in wadahadal lala yeesho Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) si looga fogaado dagaal sokeeye. Qoomiyada Tigreegu waxa ay xukumayeen siyaasadda Ethiopia muddo tobaneeyo sano ah ilaa uu Abiy xafiiska la wareegay sanadkii 2018-kii.

Isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga Tigreega ayaa ka dhacay 8 goobood oo ka tirsan gobolka, sida lagu sheegay qoraal Sabtidii ka soo baxay xafiiska isku-dubaridka howlaha bani’aadanimada QM ee OCHA.

Lix dagaallame ayaa lagu dilay in ka badan 60 kalena waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay meel u dhow xadka ay wadaagaan gobollada Tigray iyo Amhara, iyadoo uu labada dhinacba khasaare ka soo gaaray dagaalka, sida ilo bani’aadamnimo ay Aaxadda maanta ah u sheegeen Reuters.

Warbixinta OCHA ayaa lagu sheegay in ilaa 600,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay noloshoodu ku tiirsan tahay gargaarka cunno ee la siiyo, halka 1 milyan oo kale ay helaan qaabab kale oo taageero ah, kuwaasi oo dhamaantood la carqaladeeyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post