774 Views

Zelensky oo markii ugu horreysay tagey meel ka baxsan caasimadda Kyiv

Zelensky oo markii ugu horreysay tagey meel ka baxsan caasimadda Kyiv
____________________________________________________________________________

Isniin: April 4, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Bucha oo u dhaw caasimadda Kiev halkaas oo lagu eedeeyay ciidamada Ruushka inay ku dileen dad rayid ah.

Wuxuu mar kale ku eedeeyay Ruushka in Ukraine uu ka geystay dambiyo dagaal iyo xasuuq.

Mar BBC ay wax ka weydisay dagaalka , Zelensky wuxuu sheegay in uu ka shaqeynayo sidii lagu joojin lahaa dagaalka Ukraine iyadoo loo marayo dariiq diblumaasiyadeed iyo mid militeri.

“Waxaad arkii kartaa waxa lagu sameeyay magaaladan casriga ah, taasina waa dhaqanka ciidamada Ruushka-waxay dadka ula dhaqmaan si ka xun sida loola dhaqmo xayawaanada, waxa aad halkan ku aragteen waa xasuuq dhab ah” ayuu yiri Zelensky.

“Maalinba maalinta ka danbaysa, waxaa la helayaa maydad, dad la jir dilay iyo kuwa la dilay,” ayuu yiri.

Ruushka ayaa beeniyay in ciidamadiisa ay tacaddiyo u geysteen dad rayid ahaa oo ku sugnaa Bucha.

Dagaallo ayaa weli ka socdaa qeybo ka mid ah bariga iyo koonfurta Ukraine oo ay kamid yihiin gobolada Donetsk iyo Luhansk.

Dadaallada lagu doonayo in dadka rayidka ah looga daad gureeyo goobaha ay ka taagan yihiin dagaallada ayaa sii socda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post