1287 Views

Shir looga hadlayo dhaqaalaha oo ka socda Muqdisho

Shir looga hadlayo dhaqaalaha oo ka socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2019 –Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir guddoomiyey shirka kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho.

 

Shirka ayaa waxaa looga Wada hadlay intii uu socday Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Wax yaabahii Qabsoomay & Sidii loo dardar galin lahaa Dhismaha Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka ee qabyada ah.

 

Wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqalaha ayaa Soo bandhigtay warbixin heerka uu marayo Diyaarinta iyo Qorista QHQ9aad ee dalku uu yeelanayo 2020-2024.

 

Waxaa shirkan ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya,sida wasiiro,agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo madaxa kale oo caalami ah kuwaasi oo qeyb ka ah shirkan sddex bilood laha ah ee inta badan looga hadlo horumarinta mashaariicda Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment