996 Views

Farmaajo oo farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Farmaajo oo farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka
____________________________________________________________________________

Talaado: july 20 2021

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda. 

Farmaajo ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka arxanlaaweyaasha argagixisada ah ee Alshabaab ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag si ay u samatabixiyaan dalkooda. 

“Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo ilaalinta karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Carafo iyo waajibka qaran ee aad gudaneysaan. Farxad gaar ah ayay ii tahay in aan munaasabadaha noocan oo kale ah idin la qaato madaama aad tihiin geesiyaasha aan ku faanno,” ayuu yiri Farmaajo

Farmaajo ayaa bogaadiyey hawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, iyada oo geesiyaasha Xoogga Dalku ay guulo waaweyn ka soo hoynayaan howgallada ay ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan argagixisadu.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post