1908 Views

Saraakiil ka tirsan CXDS oo kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad oo dib u dayactir lagu sameynayo

Saraakiil ka tirsan CXDS oo kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad oo dib u dayactir lagu sameynayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 13, 2018 – Madaxa Hoggaanka howl-gelinta Taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer Indho-indheen ah ku tagay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee Jaalle Siyaad, Halkaasi oo Fariisin Ciidan u ah Ciidamada AMISOM.

Ciidanka AMISOM ayaa dhawaan ka bixi doona  Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana Saraakiisha maanta kormeeray Xaruntaasi ay AMISOM kala hadleen siddii  loo dejin lahaa qorshaha Ciidanka Nabad Ilaalinta ah ay uga bixi lahaayeen Kuliyadda.

Saraakiisha ka socda Ciidanka Xoogga ee uu hoggaaminayey Madaxa Hogaanka Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gudaha Kuliyadda Jaalle Siyaad kulan kula qaatay Madaxa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Taliska AMISOM.

Madaxa Hogaanka Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Maxamed Sheikh Madoobe oo idaacadda Codka Ciidamada la hadlay ayaa sheegay in Wakiilka  Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ay kala hadleen siddii Ciidamada AMISOM ay uga bixi lahaayeen Kuliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, si dib u dayactir loogu sameeyo.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya , Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in Horraanta Sanadka soo socda ee 2019 ay ciidamada AMISOM ay ka bixi doonaan Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana Amniga Xaruntaasi ay ku wareejinayaan Ciidanka Xoogga dalka, si dib loogu soo celiyo howlahii muhiimka ahaa ee xaruntaasi ay qaban jirtay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheeneysa in dib u dayactir lagu sameeyo Xarumaha danta guud ah ee ku burburay Colaadihii dalka ka dhacay.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment