762 Views

War deg deg ah: Gaashaanle Sare Yaasiin oo ka baxay Xarunta NISA iyo Bashiir Goobe oo ku Wajahan

War deg deg ah: Gaashaanle Sare Yaasiin oo ka baxay Xarunta NISA iyo Bashiir Goobe oo ku Wajahan
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

Waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta NISA  Lagu wadaa in uu gaaro Taliyaha Cusub ee NISA Jeneraal Bashiir Goobe.

Taliyaha sida Qaldan Xilka ula wareegayGaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, ayaa la sheegay in uu kala baxay Ciidamadii la socday, Waxaana la sheegay in Ciidamo gaar ah oo ka socda Taliye Bashiir Goobe ay gaareen halkaas.

Sidoo kale Taliye Bashiir Goobe ayaa lagu wadaa in halkaas gaaro saacadaha soo socda waxaana Muqdisho ka socda dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Taliyihii NISA Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Yaasiin ayaa la sheegay in ay la hadleen waxgaradka Beesha Mudulood oo ay sheegeen in uu qaato  warka Raisal wasaare Rooble oo uusan abuurin dagaal, uuna ka baxo halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post