294 Views

La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Salaad Sheekh Xaayow oo si weyn u difaacay muddo kordhinta Cabdicasiis Lafta-gareen

La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Salaad Sheekh Xaayow oo  si weyn u difaacay muddo kordhinta Cabdicasiis Lafta-gareen
____________________________________________________________________________

 Talaado: December 20, 2022

 La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Salaad Sheekh Xaayow ayaa si weyn u difaacay muddo kordhinta Cabdicasiis Lafta-gareen, isaga oo sheegay in waddo sax ah loo maray arrintaasi.

Xaayow oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dhinacyada hadda kasoo horjeeda muddo kordhinta Lafta-gareen ay qaarkood hore u ogolaayeen go’aanka baarlamaanka, hase yeeshe dano siyaasadeed darteed ay dib uga soo celiyaan guux siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimanka Musharaxiinta ah ee Koonfur Galbeed ayaga og in arrintaas ay dhacday saddex sano oo marna ay ka hadlin ee ay taageereenba, qaar wasiiro iyo xildhibaano ahaayeen oo intuba ogol ahaayeen, hadda haddii ay dhacday rabitaan gaar ah iyo kursigii la waayay ayada oo laga xanaaqsan yahay lasoo cesho,” ayuu yiri.

“Afartii sano ee inta aysan dhicin is-waafajinta sida ay aheyd ayaa maanta ku eg, laakiin arrinta Baarlamaanka uu ansixiyay ayaa ah mida ka dhigeysa in muddo xileedka Cabdicasiis uu ku egyahay 19 Dec, 2023-ka.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Baarlamaanka ayaa gartay oo majirto cid ku khasabtay ama ka codsatay waxay is-waafajiyeen labada muddo xileed, mooshinkii cod baa loo qaaday oo waa la isku raacay. Dhamaan siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada waa la aqbalay oo waa loo riyaaqay, marka fikirkaasi ayaa la aamisan yahay oo waa sax.”

La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in marnaba ka maamul ahaan aysan ogoleyn diidmo ku aadan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan lagu dhawaaqay.

 “Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ma aqoonsana wax diidmo ah oo ka jira dib-u-heshiisiinta, nimanka musharaxiinta mucaaridka markii hore waa soo dhaweeyeen shirkaas, laakiin hadda sida ay rabeen haddii tahay in la qabto xaflada dabaal-dega ka hor, wax sahlan ma ah qaban-qaabada shir dib-u-heshiisiin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in shirkaas uu qabsoomi doono xataa haddii ay kasoo qeyb-gali waayan siyaasiyiinta kasoo horjeeda muddo kororsiga Cabdicasiis Lafta-gareen, ayada oo ujeedka shirkaas uu markii hore ahaa xal ka gaarista xiisada taagan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post