1146 Views

Taliska xooga oo ka hadlay weerar lagu qaaday degmada Awdheegle

Taliska xooga oo ka hadlay weerar lagu qaaday degmada Awdheegle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 08, 2019 —Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska ayaala sheegay inay ka hortageen weerar Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab xalay ku qaadeen degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo maalin ka hor ay la wareegeen Ciidamada DANAB.

Saraakiisha hogaaminaysa Cidiamada ku sugan Awdheegle ayaa SONNA u sheegay in ay ka dileen 4 ka tirsanaa Al-Shabaab  halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalka ay kala wareegeen Shabaab degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi ka socda baaritaano amaanka lagu sugayo.

Sidoo kale waxaa ay ciidamadu qabsadeen deegaano kale oo ay kaga sugnaayeen  Al-Shabaab,waxaana gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ka socda howlgallo ay Ciidamada Dowladda doonayaan inay kula wareegaan deegaano horleh.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment