885 Views

Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlada oo ku dagaalamay inta u dhexeysa Buulo-Burte iyo Jalalaqsi.

Al-shabaab  iyo Ciidamada Dowlada oo ku dagaalamay inta u dhexeysa Buulo-Burte iyo Jalalaqsi.
____________________________________________________________________________

June 1/2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay dagaal kulul oo saakay ku dhex maray magaalooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi. Ciidamada Dowlada iyo maleeshiyaadka Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ee jooga  gobolka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbacad ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhacay dagaalka foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo ka warbixiyey dagaalkaasi oo saacado badan qaatay ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoog-leh lagu gaarsiiyey dagaalyahanada hubeysan ee Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyey in dagaalkan kooxda Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan illaa 25 dagaalame, welina ay wadaan tirakoobka khasaaraha dagaalkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post