342 Views

Duqa Gobolka Zwolle oo si diiran u soo dhoweeyey Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida & xubno uu horkacayay

Duqa Gobolka Zwolle oo si diiran u soo dhoweeyey Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida & xubno uu horkacayay
____________________________________________________________________________

Talaado, 17 Janaayo [Qaranimo Online] Duqa Magaalada Zwolle ee xarunta Gobolka Overijsal Peter Snijders ayaa maanta [17-1-2023] ku soo dhoweeyey xarunta Degmada Magaaladaasi [Gemeenthuis] xubo uu horkacayay Guddoomiyaha Jaaliyadaha Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda, ahna Guddoomiyaha Jaaliyada guud ee Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo SFON C/qaadir Cali Nuune.

Kulankan, ayaa dhowr jeer dib u dhacay sababo la xiriira saameynta caabuqa Carona, waxaanna ugu dambeyntii maanta ka soo qeybgalay xubno ka mid ah hormuudka Jaaliyadda Soomaalida Zwolle.

“Kulankeenu maanta wuxuu ku saabsanaa maadaama muddo dheer aan waqti la isku helin in madaxda gemeent-huis-ka & Soomaalidu is wareystaan. Duqa Zwolle wuxuu gartay inuu waqti la qaato Jaaliyadda Soomaalida, halkaas waxaan ku soo bandhignay doorka & baahida Soomaalida ku dhaqan Zwolle & Gobolada ku dhowdhow, waxaan kale oo u sharaxnay Peter Snijders waxqabadka jaaliyadda & sida ay u caawiso bulshooyinka Soomaalida” Ayuu yiri Guddoomiye C/qaadir Cali Nuune, wuxuuna intaasi ku daray inay xilweyn iska saareen sidii ay u qurxin lahaayeen sawirka guud ee mushatamaca Soomaalida.

” Zwolle waxaa deggan ajnabi badan, Soomaaliduna waa ka mid, waxaan kala hadalnay duqa Zwolle waxqabadka aan ka sugeyno Gemeentiga & sidii mushtamaceenu kaga faa’ideysan lahaa fursadaha dhinacyada waxbarashada & shaqada” Ayuu yiri C/qaadir Nuune oo dhinaca kalena tilmaamay in duqa Zwolle dhinaciisa u sharaxay Soomaalida qaabka ay u shaqeeyaan Gemeente ahaan.

“Meesha ay maanta naga casuumaan, annagana jaaliyad ahaan waxaan u gudbinay casuumaad aan ku casuumeyno xarunteena, si aan u tusno qaab dhismeedka jaaliyadeena & sida ay Soomaalidu bulsho ahaan isugu xiran tahay” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyada guud ee Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo SFON C/qaadir Cali Nuune.

C/qaadir Cali Nuune, ayaa caan ku ah inuu Magaalooyin fara badan isaga goosha si uu u caawiya dadka Soomaalida ee baahiyaha gaarka ah qaba, isaga oo waqti, juhdi & dhaqaale aan xadi laheyn geliya inuu dad fara badan u soo dhiciyo xuquuqda ay dalkan ku leeyahay, waxaanna dadka uu caawiyo ka mid ah dadka da’da ah iyo kuwa ay xaaladaha gaarka ahi la soo dersaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post