828 Views

Iiraan oo sheegtay inay fashilisay Markab Mareykanku damacsanaa in uu afduubto

Iiraan oo sheegtay inay fashilisay Markab Mareykanku damacsanaa in uu afduubto
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 3, 2021

 Iiraan ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in ciidamadooda ay fashiliyeen isku day Maraykanka  uu ku  damacsanaa in uu ku qabsado Markab siday shixnad saliid ah oo Iiraan laga lahaa, kaas oo marayay badda Cumaan, sida uu sheegay Telefishinka ku hadla Afka Dawladda Iiraan.

Xukuumadda Tehraan ayaa sheegtay in iska horimaad uu dhexmaray Ilaalada Kacaanka iyo ciidamada Mareykanka ee damacsanaa in ay afduubtaan Markabkan saliidda siday.

Wakaalada Wararka ee Mehr ee taabacsan Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay in iska hor imaad kooban uu dhex maray doonyo dheereeya oo ay wateen ilaalada Kacaanka Iiraan iyo Markab laga leeyahay Mareykanka oo markii dambe goobta ka tagay.

Iiraan ayaa sheegtay in dhawaan ay baahin doonaan cajalado muuqaal ah oo la duubay intii ay socotay iska horimaadka.

Majiro war arrinkan ku saabsan oo ka soo baxay Xukuumadda Washington, kaa  oo beeninaya warkan ay baahisay Warbaahinta Dowladda Iiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post