1173 Views

Madaxweyne Joe Biden oo ka codsaday boqortooyadda Sacuudiga inay kenan xogta dilka weriyihii Jamaal Kashoqji..

Madaxweyne Joe Biden oo ka codsaday boqortooyadda Sacuudiga inay kenan xogta dilka weriyihii Jamaal Kashoqji..
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa weydiistay madaxda boqortooyadda Sacuudiga inay soo saaraan xogta ku saabsan sida uu dhacay dilka weriyihii dalkaas u dhashay ee Jamaal Kashoqji kaasoo lagu dhex dilay qunsuliadsa Sacuudiga ee Istanbul sanadkii 2018.

Warbaahinta Maraykanka ayaa baahisay inay heshay xog ku saabsan in m/weyne Biden uu boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis u diray qoraal uu ku weydiisanayo in deg deg loo baahiyo faafaahinta baaritaanka ay sameeyeen hay’adaha amaanka Sacuudiga ee la xariirta dilka weriyahaas si loo ogaado cidda ka dambeysa.

Faafaahin intaas ka badan lagama bixin hase ahaatee markii ugu horeysay ee ay wada hadlaan Boqor Salmaan iyo m/weyne Biden waxay ka wada hadleen kiiska Jamaal Kashoqji oo ahaa weriye aad u dhaliilaa xukunka boqortooyadda.

Madaxweynaha Maraykanka 24 kii saac ee lasoo dhaafay waxaa uu taleefoonka sidoo kale kula hadlay madaxda dhawr wadan sida Canada iyo r/wasaaraha Ciraaq Mustafa Kadhiima oo uu kala hadlay weerarada lagu qaado saldhiyada ciidamada Maraykanka ee Ciraaq jooga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post