468 Views

Dalalka Jaamacadda Carabta oo shaaciyay inay taageerayaan doorashada Somalia

Dalalka Jaamacadda Carabta oo shaaciyay inay taageerayaan doorashada Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 17 2021=War-murtiyeed kasoo baxay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagu soo dhaweeyay go’aankii Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay dhul-badeedkii ay Kenya ku muransanaayeen sanado badan, sidoo kalena looga hadlay doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Warmurtiyeedka ayaa looga hadlay xaaladda amni iyo midda doorasho ee Soomaaliya, iyaga oo sheegay inay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada Shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in shirka sidoo kale diirada lagu saaray dagaalka ay dowladda kula jirto Ururka Al-Shabaab si guud ahaan dalka ay ula wareegtay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Baarlamaanka dalalka Jaamacadda  Carabta ay shegeen inay dowladda Soomaaliya gacan ka siinayaan howlaha doorashooyinka ee haatan socda.

Baarlamaanka dalalka Jaamacadda ayaa sanad walba waxaa ay yeesheen shir ay uga hadlayaan xaaladaha kuaoo kordha dalalka Carabta, iyaga oo diirada saara sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka kajira wadamada Carbeed.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post